Soomaaliya: Doorashada 2020/2021

0

Baraha bulshada iyo goobo kale waxaan ku arkaa in Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Doorashada Qaranka (GMDQ) Marwo Xaliima Ismail “Xaliima Yarey” ay 27 Maajo 2020 hortegi doonto Barlamaanka federaalka si ay ugu sheegto qabashada iyo qaabka fulinta doorashada 2020/2021 ama in waqti dheeraad ah loo baahan yahay (kordhin muddo xileedka BF iyo Madaxweynaha).

Ilo wareedyo kale waxaa iga soo gaaray in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u sheegay Wakiillada beesha caalamka inuu saxiixay sharcigii Doorashada hal qof hal cod 2020, GMDQ uu mas’uul ka yahay fulinta sharciga, haddii beddel ama ku noqosho loo baahan yahay-na in Barlamaanka Federaalka ku shaqo leeyahay. Sidaa darted, aysan jirin sabab uu Madaxweyne ahaan arrimaha doorashada 2020/2021 uga hadlo beesha caalamka, dowlad goboleedka, mucaaradka, iyo cid kale.

Dhinaca kale, waxaa la og yahay in sharciga doorashada ee Barlamaanka federaalka ansixiyay, Madaxweyne Farmaajo saxiixay uu yahay sharci laalan kala dhimman “impractical” ah, kaddibna guddoonka labada aqal ee Barlamaanka Federaalka u magacaabeen guddi ka soo shaqeeya qodobbo hortaagan dhaqangelinta Sharciga.

Waxaa kaloo Barlamaanka federaalka uusan ansixin sharcigii Xisbiyada oo Xisbiyada magac u yaalka looga dhigi lahaa xisbiyo rasmi ah. Waxaa kaloo dhimmaan xeerar, diiwangelin, xoreyn dhul ballaaran ee gogol xaar u ahaa fulinta sharciga doorashada halka qofka iyo halka codka.

Arrimaahaas iyo kuwo kale oo ay ugu daran tahay khilaafka ka dhex aloosan dowladda federaalka iyo dowlad Goboleedyada waxay abuureen shaki laga qabo in Dowladda federaalka aysan rabin in 2020/2021 Doorasho xalaal ah dhacdo.

Madaama GMDQ aan loo gudbin sharciyo dhamneystiran iyo maaliyad ka hor muddo ku filan qabanqaabada doorasho xalaal ah watigeeda ka hor, ma garanayo sababta Guddoomiyaha ama xubnaha GMDQ u hortagayaan Barlamaanka Federaalka taaso ka baxsan waajibaadkooka shaqo.
Guddigii Barlamaanka Federaalka ayaa laga rabaa inay gutaan waajibkiisa tifaftirka sharciga, markaa kaddib dowlad Goboleedyada, Xisbiyada siyaasadda, bulshada ra’yidka, aqoonyahannada, warbaahinta ayaa laga rabaa inay ka falceliyaan ka hadlaan dhaqangelinta sharciga dhammeystiran, GMDQ u soo bandhigo dadweynaha soomaaliyeed habka dhaqangelinta sharciga ayadoo aan loo baahneyn inuu hortago Barlamaanka federaalka.

Waxaan qabaa in GMDQ aysan lugta la gelin arrin ku jirta talo siyaasadeed, sharci, iyo miisaaniyadeed.

Ma jirin sabab labada aqal ee Barlamaanka Federaalka u ansixiyaan sharci qabyo ah, aysan caddeyn fulintiisa, isla markaana ka gaabiyeen inay waqti hore dhamneystiraan sharciyada iyo xeerarka iyo maaliyadda looga baahan yahay fulinta doorasho xalaal ah ee HQHC ee waqtigeeda ku dhacda.

Waxaan rajeynaya in Guddoomiyaha GDMQ ka fiirsan doonto inay hortagto Barlamaanka federaalka, kuna ekaan doonto xuduudda sharciga iyo hab dhaqanka nidaamka dowladeed u dhigay guddiga doorashada.

Tixgelin wacan.

Dr. Maxamud M Culusow

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here