Ka dib xiisada cusub ee ka dhex oogantay Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muujinaysa sida Muqdisho iyo Addis Ababa ugu kala fogaanayaan khilaafaadkii soo bilowday bilowgii sanadkan.

Sida uu qabo Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo aqalka sare ee Soomaaliya xubin ka ah “waa in dowladu qaaddaa talaabooyin jawaab u noqon kara wixii maanta ka dhacay Addis Ababa”.

Profasoorka ayaa BBC-da u sheegay in ay mudan tahay “in la xiro safaaradda Sooomalidu ku leedahay Addis Ababa, loona yeero safiirka iyo diblomaasiyiinta kale ee jooga sidaas oo kalana la eryo safiirka iyo diblomasiyiinta Itoobiya ka jooga Muqdisho”.

Advertisement

Tan labaad ayuu ku sheegay inay tahay in dowlada Soomaalida “dalka ka saarto ciidamada Itoobiya ka jooga dalka ha ahaadeen kuwa ku jira ATMIS iyo kuwa kalaba” ayuu BBC u sheegay Prof Samatar.

“Sidoo kale waa in la joojiyaa duulimaadka shrikadda Ethiopian Airlines oo gabi ahaaba la joojiyaa” ayuu yiri Prof Samatar.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Previous articleMadaxtooyada oo faahfaahisay isku deygii itoobiya rabtay inay Madaxweynaha kaga hor-istaagaan shirka 
Next articleDowlada Itoobiya maxay ka tiri eeda Dowlada Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here