HomeWarkiiSoomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee QM

Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee QM

NEW YORK (DAYNIILE.COM)-Soomaaliya ayaa la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,waxaana qorshuhu yahay in bishaan Janaayo Somalia  ahaan doonto shir guddoonka Golaha.

Ergeyga Somalia u fadhiya QM Abuukar Baalle ayaa noqonaya Gudoomiyaha Guud ee Golaha amaanka Qaramada Midoobay.

Waa markii ugu horeysay oo Somalia gaarto inay hogaamiso QM,sidoo kale  Soomaaliya waxey u tahay guul weyn oo taariikhi ah xili Yuhuudu 26-kii bishaan aqoonsatay Maamulka Somaliland.

Dowlada Somalia oo wajaheysa dagaal cukus oo dhanka diblomasiyada oo ay kula jirto Israa’iil oo saaxiib dhab ah la ah Mareykanka,waxa loo baahnaan doonaa in Somalia saaxiib dhab ah ka hesho dalalka waa weyn ee QM ku leh codka diidmada qayaxan ama in Somalia ku qasbanaan doonto inay Israa’iil xiriir diblomaasiyasaaded la yeelato si loo bad baadiyo in dalka la kala jaro  taasoo marna aan u cuntameyn Somaliweyn.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of text that says "UnitedNations United Nations Soomaaliya ayaa la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo bishaan Janaayo dalkeennu uu ahaan ahaan doono shir guddoonka Golaha. ทำ SNTV T5 ESONNA"

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -