Soomaaliya ayaa noqotay dalka ugu musuqa badan dunida kaddib markii ay dalalka dunida ku hogaamisay diiwaanka musuqa, sida lagu sheegay war ay soo saartay ha’yadda Transparency International.

Diiwaankan ayaa ah mid sannadla ah oo ha’yadda ku eegto musuq maasuqa ha’yadaha ilaa 180 dal.

Sida laga soo xigtay, waxyaabaha musuqa ka qeyb qaatay inay yihiin dagaallada dalka ka taagan, “Laaluush iyo musuq maasuq baahay iyo sida wadamada ay uga jawaabeen musiibada Coronavirus.

Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan waxay dowladaha  ugu liita waxaa ay galeen kaalinta 12-aad si ay  Suuriya oo leh 14, Yemen iyo Venezuela oo leh 15, Suudaan iyo Equatorial Guinea oo leh 16, iyo Liibiya oo leh 17.

Ugu dambeyn warbixinta hay’adda Transparency International ayaa wadamada  ayaa shaaca ka qaaday in saddexda dal ee heerka ugu hooseeya laga dareemay musuqmaasuqa ay yihiin Denmark, New Zealand, Finland.

Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda Maaliyada ayaa mar weliba cel-celiso inay la dagaalanto musuq-maasuqa, islamarkaana Soomaaliya aysan aheyn sidii hore.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here