SOOMAALIYA oo mar kale tusaale aan wanaagsanayn loo soo qaatay

0
Wasiirka waajibaadka gaarka ah ee dalka Nigeria George Akume, ayaa ugu baaqay dadkiisa in ka shaqeeyaa nabadda iyo midnimadda, isaga oo kaga digay  in dalkoodu la mid noqdo ama ka sii darnaan  doono sida Soomaaliya oo kale, oo muddo nus qarni ku dhow ku jirtay marxalad uu ku tilmaamay fowdo. “Ma ku ciyaari karno nabadda iyo midnimadiina aan haysanno, haddii kale waxaan ka sii liidaneynaa Soomaaliya” Ayuu yiri George Akuma. Ma ahan markii ugu horreeysay ee mas’uul dalkaas u dhashay u gefo Soomaaliya, kuna tilmaamo waddan qariban. 2015kii ayeey ahayd markii Madaxwaynaha Nigeria Mohammadu Buhari isaga oo magaalada Johansberg ee dalka K/Afrika kula hadlayey mushtamaca dalkiisa ee dalkaas ku nool, uu Soomaalida ku tilmaamay dad muslim ah, haddaa dadkooda waxbartay ay yihiin kuwa danahooda gaarka ah ka doorbiday dantii guud. “Waxaan ka cabsi qabaa Nigeria sida Soomaaliya in ay u burburto, kana soo kana wayso burburkaas” Ayuu xilligaasi sheegay Buhari. Waxaa iira, dad ka caraysan tusaalaha xun ee dalkooda loo soo qaadanayo, kuwaas oo is-waydiinaya, cidda ay tahay in ay u jawaabaan kuwa dalkooda sawir xumaynaya, halka dhinaca kale ay jiraan dad u arkaya in ay sax tahay in Soomaalida lagu digto mar haddii aanay dadkeedu aysan danahooda aqoonsanayn.  
Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here