Masuulka u sareeya Golaha Dhexe ee SSC Khaatumo ayaa shaaciyay 9 Xog-haye  oo uu yeelan doono Maamulkaasi.

Qoraalka Hoggaamiyaha Golaha Dhexe ee SSCKhaatumo ayaa sidan u qornaa:-

Advertisement

Markii aan aragney baahida loo qabo magacaabidda Xoghayayaasha Xafiisyada Golaha Fulinta oo leh khibradda, aqoonta, iyo mas’uuliyadda loo baahanyahay ayaan magacaabey:

  • Mudane Dr Yuusuf Sulaymaan Sancad ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Bulshada
  • Mudane Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah
  • Mudane Cabdisahal Jaamac Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu Heshiisiinta
  • Mudane Cabdirashiid Maxamuud Maxamed Xambuuse ayaa loo magacaabay Xoghayaha Maaliyadda
  • Mudane Cabdulsataar Sh. Cismaan Cumar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha, Maalgashiga iyo Wax soo saarka
  • Mudane Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda
  • Mudane Maxamuud Yuusuf Xasan ayaa loo magacaabay Xoghayaha Amniga
  • Mudane Cabdixakiim Jaamac Dalmar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare
  • Mudane Cabdiqaadir Cabdi Warsame Digaale ayaa loo magacaabay Xoghayaha Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Dibu Dhiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here