Muqdisho (dayniiile.com)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xulka Kubada Cagta Maamulka cusub ee SSC Qaatumo laga reebay gabi ahaanba ciyaaraha maamul Goboleedyada oo dhawaan Muqdisho ka furmaya.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii jadwal ka soo baxay dhanka xiririka kubada cagta Somalia lagu soo daray markii ugu horeysay maamulka cusub ee Qaatumo iyadoona laga reebay Maamulka Puntland khiklaaf siyaasadeed darteed.
Sababta looga reebay ayaa lagu sheegay inay tahay dalab ka yimid guddiga garsoorka ee ciyaaraha kadib markii ay ku eedeeyeen Maamulka SSC Qaatumo inuu buuxin waayay shuruudaha looga qeybgalo tartankaan.
Dhanka kale waxaa jira warar durba soo baxay oo sheegaya in Xiriirka iyo wasaarada lagu cadaadiyay inay ka reebaan tartaka Maamulka Qaatumo inkastoo ay beeniyeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM