XIGASHO LAACIB.NET
Halyeeygii hore ee Liverpool, Steve McManaman, ayaa si adag u dhaliilay daafaca dhexe Ibrahima Konaté kaddib guuldarradii 1-0 ee Liverpool kala kulantay Galatasaray S.K. kulankii lugta hore ee wareegga 16-ka ee UEFA Champions League.
Kulanka oo ka dhacay garoonka Rams Park ayaa lagu kala baxay gool uu daqiiqaddii 7-aad dhaliyay Mario Lemina, kaasoo noqday goolka guusha ee kooxda Turkiga.
Inkasta oo labada koox ay si siman u haysteen kubadda, haddana kooxda uu tababaro Arne Slot ayaa lahayd fursado badan oo goolal ah (6 laad oo bartilmaameed ah marka loo eego 5), balse ma aysan ka faa’iideysan.
Marka loo eego tirakoobyada SofaScore, Konaté wuxuu sameeyay laba taakal, shan kubadood oo uu ka saaray khadka difaaca, hal taakal oo “naf-lacaari nimo” ah iyo hal kubbad oo uu xannibay. Si kastaba ha ahaatee, hal mar ayaa loo gooyay, wuxuuna sameeyay qalad sababay fursad gool.
Waxaa xusid mudan in Konaté iyo kabtan Virgil van Dijk ay qayb ka ahaayeen goolkii Lemina uu xiray. Van Dijk ma uusan joojin madaxii hore ee Victor Osimhen, halka Konaté uu si liidata u istaagay, taasoo u ogolaatay Lemina in uu dhaliyo goolka.
McManaman ayaa yiri:
“Difaac ahaan waxay u muuqdeen kuwo aad u nugul, taas oo aan muddo arag. Kubad kasta oo sanduuqa ganaaxa la geliyo waxay u ekaayeen inay gool sababi karto,”
Wuxuu sii raaciyay:
“Waxaan u maleynayaa in Konaté uu lahaa habeen aad u xun, sababtoo ah marar badan wuxuu u muuqday mid jahawareersan.”
Konaté ayaa fursad u helay inuu qaladkiisa saxdo markii uu dhaliyay gool u muuqday barbaro, balse VAR ayaa diiday kaddib kubbad gacan ah, taasoo ka dhigtay in Galatasaray S.K. ay qaadato guul muhiim ah kulankii 100-aad ee Slot uu hoggaamiyo Liverpool.
XIGASHO LAACIB.NET
