XIGASHO LAACIB.NET 
Halyeyga Liverpool Steven Gerrard ayaa si daahfuran uga hadlay falcelintii kululayd ee Mohamed Salah kadib guuldarradii ay Liverpool kala kulantay Leeds United, taasoo uu Salah ku eedeeyay in kooxda “dhulka ku jiiday”.
Salah wuxuu arrintan si gaar ah ugala xaajoon karay tababaraha, halkii uu banaanka uga hadli lahaa.Gerrard wuxuu ku taliyay in Virgil van Dijk uu si degan u hoggaamiyo xalinta xiisadda:
Waxaan soo maray xaalado sidan oo kale ah, xataa markii Luis Suárez uu si adag ula murmay Brendan Rodgers.”Isagoo ka hadlaya khibradiisa gaarka ah, Gerrard wuxuu qirtay in:Isaguba uu sameeyay hadallo la mid ah kuwa Salah isagoo da’yar.Ciyaaryahannadu mar walba way galaan khaladaad noocaas ah marka ay shucuurtoodu kacdo.
Gerrard ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda Salah uu u leeyahay kooxda:“Liverpool waxay u baahan tahay Mo Salah oo ciyaaraya, goolal dhalinaya, kana caawinaya kooxda inay ka soo baxdo xaaladdan. Haddii xiisaddan sii korodho, waxay noqonaysaa arrin ka weyn intaan hadda aragno.”Warbixinta Gerrard waxay muujineysaa isku day nabadeed oo looga gol leeyahay in Salah dib loogu soo celiyo kooxda, iyadoo khilaafka isaga iyo macallinka ay wali u muuqato mid aan la xalin.
XIGASHO LAACIB.NET
