Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa qorsheyneysa in ay hagaajiso xiriirka ay la leeyahay Maamulka Israel sida ay qoreyaan Qaarkaamid ah warbaahinta Bariga dhexe oo Soo xiganeya ILo muhim ah oo dhinaca Boqortooyada ah.

Wareysi uu siiyay telefeshin Mareykanka laga leeyahay usbuucii la soo dhaafay, wasiirka Arimaha Dibada Boqortooyada Sucuudiga Faysal Bin Farhan al-Saud ayaa ku sheegay in Xiriirka Israaiil iyo Sucuudiga ay wax weyn ka tari donto dhaqaale ahaan, bulsho ahaan, iyo dhinaca amniga Gobalka.

Tallaabada ay Sacuudi Carabiya ku doonayso inay caadi ka dhigto [xiriirka] ay la leedahay Israa’iil waa khiyaanadii ugu dambaysay, oo aan ku koobnayn oo keliya halganka Falastiiniyiinta laakiin dhammaan Umadda Muslimiinta ah dhibaato ku ah, sidaasi waxaa yiri, inta badan Ururada Muslimiinta.

By C/wahaab Aadan C/raxmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here