HomeWarkiiSuldaan Beeleed Somaliland kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah C/raxmaan Cirro iyo...

Suldaan Beeleed Somaliland kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah C/raxmaan Cirro iyo reerkiisa

HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Xiisad ka dhalatay markii maanta Madaxweynihii hore ee Maamulka Somaliland Muuse Biixi laga celiyay  garoonka diyaaradaa Hargeysa ayaa cirka isku sii shareereysa iyo odayaasha dhaqanka qaarkood iclaaminayaan dagaal beeleed.

Suldaanka Guud ee Beesha Subayr Awal oo shir jaraa’id qabtay ayaa si cara leh ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Ciro iyo reerka uu ka soo jeedo isagoona ku eedeeyay inuu mudaba dagaal la doonayay reerkiisa balse ay hada u soo jeesteen.

Suldaanka wuxuu sheegay inay iska difaaci doonan Madaxweynaha Somaliland Cirro iyo Beeshiisa garxajis ,isagoo faray dhalinyarada reerkiisa inay dagaal u diyaar garoobaan.

Muuse Biixi oo ah ninkii xilka kugu wareejiyay oo aad ciidan wadada u dhigtay waxaad ka hesho waxba hanaga siin adiga iyo reerkiinu, C/raxmaanoow ninkii meydkeena xabada la dhacay baad  filim ugu dhigtay Hargeysa,waxaad dooneysaa inaad dumiso Somaliland, mudo 9 bilood ahna reerkeena dagaal baad ku waday laakiin iminka waa kula qaadanay dagaalka oo diyaar baan nahay” ayuu yiri Suldaanka.

Halkaan ka daawo muuqaalka suldaanka:-

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -