MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Bartamaha suuqa Bilaajo oo ku yaal Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta isugu soo baxay dadweyne badan kuwaasoo ka cabanaya Dowlada Faderaalka Soomaaliya oo suuqleydaasi ku wargelisay inay hantidooda kala baxaan suuqa madaama Dowladu la wareegtay dhulkaasi.
Suuqaan oo caan ku ah magaca Bilaajo-Carab ayaa dhisan hal qarni oo ah 100 Sano sida ay maanta sheegeen dadkii isku soo baxay kuwaasoo shaaciyay in shaati Diowlo lagu boobayo suuqaasi.
“dhulkaan oo 100 sano jirey ayaa hada la rabaa in shaati dowlo lagu boobo, waxaana nagula wargeliyay in sabtida Katarabiil la gelinayo”‘ ayuu yiri mid ka mid ah dadkii isugu soo baxay inay cabashadooda muujiyaan.
Sidoo kale mid ka mid isu soo baxayaasha ayaa ugu baaqay Muungaab inuu arintaani wax ka qabto madaama maalmo ka hor uu suuqa bakaaraha tagay kana celiyay iyagoo ganacsatada la barakacinayo.
“Suuqa Bilaajo Carab ayaa la rabaa in la boobo,shaati Dowlana lagu boobo, Gudoomiye Muungaab isagaaba ugu sokeeyo oo Bakaaraha ka lahaa suuqyada la dumin maa, marka suuqaana wuxuu la mid yahay suuqyada”ayuu yiri qof kale oo ka mida isu soo baxayaasha.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM






