MINNESOTA (DAYNIILE.COM)-Cabsida soo wajahday Soomaalida Mareykanka ku dhaqan ayaa la soo sheegayaa inuu sababay in gabi ahaanba uu istaago ganacsigii iyo mashquulkii badnaa ee lagu yaqaanay Suuqa Soomaalida Minnesota ee Karmel halkaasoo cidlo badan hada laga dareemayo.
Inta badan tukaamadii ayay Soomaalidu albaabada isugu laabeen kadib cabsi ka dhalatay markii uu Madaxwaynaha Maryekanka Donald Trump uu si kulul u weeraray Soomaalida gobolka Minnesota isagoona si cad u sheegay in kala bar Soomaalida sharci daro ku joogaan Mareykanka islamarkaana uu doonayo in talaabo laga qaado oo macnaheedu yahay in la qabqabto oo kadibna dalka Mareykanka laga saaro.
Qab-qabashada ay wadaan ciidamada ICE ee dalka Mareykanka ayaa noqotay arinta ugu hadal heynta badan Soomaalida Mareykanka ku dhaqan iyo xitaa kuwa Soomaaliya iyo dalalka kale joogaan iyadoo guud ahan baraha bulshada ee Sooomaalida meel kasta ha joogaane ay iyana tahay meesha ugu badan ee lagu taxliilayo .
Soomaalida oo wax laga weydiiyay sameynta ay yeelan karto xirnaanshiyaha suuqyada ayaa qaarkood sheegeen inay khasaare dhaqaale keeni karto madaama tukaankiiba uu ku kireysan yahay kun doolar islamarkaana tukaamaduna kumanaan dhan yihiin.
XAIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
