HomeWarkiiSuurtagal-nimada howl-galka AUSSOM in la kansalo

Suurtagal-nimada howl-galka AUSSOM in la kansalo

Wasiir ka tirsan Dowlada Kenya ayaa ka deyriyay dhaqaala la’aanta soo wajahday howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM kuwaasoo Somalia u jooga nabad ilaalin iyo inay Dowlada Somalia ka caawiyaan la dagaalanka Alshabaab iyo amniga guud ee Somalia.

Musalia Mudavadi oo ah R/wasaare-xigeenka Kenya ahna wasiirka arimaha dibada ayaa muujiyay in hadii dhaqaalo loo waayo howlgalka cusub ee AUSSOM ay suurtagal tahay in ciidamada Midowga Afrika isaga baxaan Somalia oo gabi ahaanba uu meesha ka baxo rajadii laga lahaa in Dowlada Somalia lagu garab siiyo dagaalka Alshabaab waa sida uu warka  u dhigay.

“hoos u dhaca taageerada dhaqaale ee beesha caalamku waxay halis ku tahay  amniga gobolka”ayuu yiri wasiirka arimaha dibada Kenya

Musalia Mudavadi wuxuu xusay in in howlgalka AUSSOM  ee badalay kii ATMIS uu iminka la tacaalayo caqabado dhaqaale la’aan, iyadoo aan weli la helin maalgelinnadii ay beesha caalamku ballan-qaadday.

Warka wasiirkaan ayaa ku soo aadaya xili Mareykanku cadeeyay inuu joojiyay dhaqaalihii ay ku bixin jireen howlgalka Midowga afika ee nabad ilaalinta Somalia,iyadoo warkaani laga sheegay shirka sanatarada Mareykanka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -