Sxbbadeydi #Nabadiyonolol waxan arkaa iney inta badan u ololeynayaan muddo kordhin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya

0

Sxbbadeydi #Nabadiyonolol waxan arkaa iney inta badan u ololeynayaan muddo kordhin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, walow aanan garaneyn meesha ay kasoo xigteen inuu jiro rabitaanka arrintaas oo dhanka Madaxda ah.

Anigu waan kafikir duwanahay sxbbadey oo waxaan qabaa in Soomaaliya danteedu kujirto doorasho dhacda iyo xilal la isku wareejiyo si nidaamka dimuquraadiga ah ee aan qaadanay uu u sal-dhigo.

Madaxda hadda xilka heysa, laga soo billaabo 8 febaraayo oo ladoortay Madaxweynaha iyo maanta oo laga joogo kudhowaad saddex sano iyo bar, waxaa jirtay qeyo dhaan iyo Mucaaradid inta badan ka imaaneysay rag siyaasiyiin ah, iyadoo ay arrintaas hareer socotay taageero shacab oo xoog badan, taas oo markasta shiiqineysay codadka siyaasiyiinta Mucaaradka ah oo markey waayeen taageero shacab iska noqday Dad uun idaacadaha kahadla lkn aan saameeyn badan lahayn.

Shacabku iney go’aankaas qaataan waxaa sababay labo arrimood. Tan koowaad oo ah in shacabku fahamsanaa in ragga talada haya ay kursiga ugu fadhiyaa si sharci ah oo aysan ahayn rag xoog kuyimid, iyo tan labaad oo ah in shacabku siyaasiyiinta Mucaaradka ah u arkayay rag xilal waayay oo qeylinaya xilli aan Munaasab ahayn, ayna tahay iney sugtaan doorashada dambe ayna wakhti siiyaan ragga sida sharciga ah kursiga ugu fadhiya iyadoo la ixtiraamayo nidaamka Dalka.

Haddaba aragtideyda Markaan cabbiro maxaa dhici kara haddii aan doorasho dhicin?
Marka hore waxaa isbeddeli doona aragtidii shacabka ee ahayd in laga gardaranyahay Madaxda Federaalka maaddaama muddo xileedkoodi dhamaaday.

Marka labaadna waxaa xoogeysan doona ragga Mucaaradka ah oo heli doona taageero shacab, taas ayaana dhalin karta Bannaan baxyo rabshada wata, iyadoo ugu dambeyn Dowladdu isku dayi doonto iney xakameyso rabshadaha, waana tan midda ay kadhalan karto deganaasho la’aan tii ugu darnayd, waxaa fursad heli doona, tuugada, argagixisada, kuwa shisheeyaha u shaqeeya iyo dhamaan cid kasta oo rabsho doon ah.

Waxaa suurtagal ah in goballada dalku kabadbaadaan qalalaasaha siyaasadeed, lkn meesha ugu daran ee xuddunta rabshadaha noqon karta waa magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho oo ugu yaraan 3.5-4 milyan lagu qiyaaso dadka kunool wey adkaan doontaa in si fudud lagu dejiyo, haddii nidaamka siyaasadeed khalddamo, waana sababta arrimaha doorashada aanan isku feker uga noqon karin aniga iyo sxbbadey oo laga yaabo inaan hal qoys Xamar kadegganeyn.

Ugu dambeyn balaayo Ilaahey kama baryin, lkn si taxaddar leh waa in looga fekeraa arrinka kudarsiga, oo xoogga lasaaro sidi Dalka doorasho looga qaban lahaa, ogowna lix bilood iyo wixi lamid ah in doorashadu jiitanto dhib malaha, lkn intaas oo sano ayaa muddo kordhin loo sameeyay golayaasha Dowladda waa arrin dhalin karta in soddon sano kaddib magaalada Muqdisho u ekaato 1991….

Abdirizak Mohamed Kabayare

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here