MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Iyadoo ciyaarihii ugu danbeeyay tartanka Maamul Goboleedyda ay rabshado,dhagax tuur iyo qal qal gelin amni ay ku dhqaaqayeen taageerayaasha kooxaha qaarkood ayay Booliiska Soomaaliyeed bilaabeen inay qaadaan  Talaabooyin Amniga garoonka wax badan ka tari doonta.

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa war qoraala ay soo saareen  waxay ku  sheegeen intii ay socotay cayaartii Galabta ee Hirshabeelle iyo Jubbaland inay xabsiga u taxaabeen kooxo amniga iyo agabka Garoonka wax u dhimaayay.

Advertisement

Taliska Booliska wuxuu intaasi ku daray inay sharciga hor geyn doonaan dhalinyarada la qabtay.

Dhanka kale Taliska wuxuu digniin u direy taageerayaasha xulalka Galmudug iyo Banaadir marka la eego kulanka Beri u dhexeeya labadaasi kooxood.

Taageerayaasha  xulalka Galmudug iyo Banaadir waxay Booliisku fareen inay u hoggaansamaan, una dhaga-nuglaadaan amarada Hay’adaha Amaanka ee hab-raaca gelista garoonka loo dajiyay.

Ciidsmada Dowlada ee Garookka ka howlgalaya ayaa iyagana looga digay inay la kala saftaan xulalka hardamaya

“Ciidamada hub lama imaan karaan garoonka mana la kala safan karaan xulalka, ciddii lagu helana waxay wajihi doontaa maxkamadda Awooda u leh” ayaa lagu yiri warka Taliska ka soo baxay

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleWax ka oggow Habraaca Ansixinta Wax-Ka -Bedelka Dastuurka?
Next articleDAAWO:Xildhibaano badan oo ka soo horjeestay kulanka beri ee wax ka badalka Dastuurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here