Mudaaharaadayaasha taageersan milatariga Afganbiga ayaa lulayay calanka Ruushka waxayna siteen boodhadh ay ku qoran yihiin “Laga daaree Faransiiska iyo xulafadiisa”

Advertisement

Kumanaan taageereyaal ah oo ka tirsan ciidamada milateriga ee talada dalka Niger kula wareegay afgambiga ayaa socod ku maray waddooyinka caasimadda iyagoo lulaya calanka Ruushka, waxayna cambaareynayaan gumeystihii hore ee Faransiiska.

Dibad-baxayaasha oo ka dhacay magaalada Niamey ayaa isugu soo baxay safaaradda Faransiiska, waxaana ay dab qabadsiiyeen albaabada, dhagxaanna ay ku gubeen calanka dalkaasi.

 

Kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner ayaa durbaba ka howlgala dalka ay dariska yihiin ee Mali, waxaana madaxooda Yevgeny Prigozhin uu ku tilmaamay afgambiga war wanaagsan oo uu u fidiyay dagaalyahanadiisa.

Dibad-baxayaal taageersan Junta ayaa isugu soo baxay bannaanka safaaradda Faransiiska, waxayna isku dayeen inay dab qabadsiiyaan

Dibad-baxayaal taageersan Junta ayaa isugu soo baxay bannaanka safaaradda Faransiiska, waxayna isku dayeen inay dab qabadsiiyaan
Madaxa Kremlin-ka Vladimir Putin waxa uu jeclaan lahaa in uu balaadhiyo saamaynta dalkiisu ku leeyahay gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, wali ma cadda in hogaanka cusub ee militarigu uu u wareegi doono dhanka Moscow ama uu doonayo inuu ku sii ekaado xulafada reer galbeedka ee Niger.

Waxay ku soo beegantay iyadoo ururka ECOWAS ee gobolka Galbeedka Afrika shir degdeg ah oo Axaddii yeeshay uu muddo toddobaad ah u qabtay dagaalyahannada inay dib u soo celiyaan madaxweynihii la afgembiyey ee Mohamed Bazoum, haddii kale ay wajihi doonaan cunaqabatayn iyo inay awood u adeegsadaan.

Kooxdu waxay ka digtay inay qaaddo “dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah” si loo soo celiyo dawladdii dimuqraadiga ahayd ee dalka lagu soo doortay, iyadoo Midowga Afrika uu sidoo kale soo saaray amar u gaar ah.

Mr Bazoum ayaa la doortay labo sano ka hor markii ugu horeysay ee Niger si nabad ah oo dimuqraadi ah xukunka loogu wareejiyo tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Faransiiska.

General Abdourahamane Tiani ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in uu yahay madaxa cusub ee qaranka kadib markii ay militariga la wareegeen

Previous articleRa’iisul Wasaare Xamsa: “In galabta aan ku kulanno fagaraahan degmada Heliwaa waxay caddeyn u tahay horumarka laga gaaray amniga caasimadda”
Next articleDanmark oo mamnuucesyso mudaaharaadyada lagu gubayo Qur’aanka iyo qoraallada kale ee diinta wax loogu dhimaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here