Taageerayaasha Donald Trump oo isugu soo baxay banaanka isbitaalka milatariga ee lagu dabiibayayo 

0

 

Taageerayaasha Donald Trump ayaa isugu soo uruuray banaanka isbitaalka milatariga ee lagu dabiibayay madaxweynaha. Isbitaalka oo lagu magacaabo Walter Reed ayaa waxa uu ku yaalaa meel aan sidaa uga fogeyn Washington.

Dhanka kale isu soo baxyo kale oo lagu taageerayo Trump ayaa waxay ka dheceen meelo badan oo ka mid ah Mareykanka.

Subixii Sabtida Dr Conley ayaa sheegay in aanan madaxweynaha lagu xirin qalabka lagu neefsado, 24-kii saacadood ee la soo dhaafayna aanay wax qandha ah qaban.

Waxaa la filayaa in madaxweynaha uu isbitaalka Walter Reed ku sii jiri doono “maalmaha oo socda” sida laga soo xigtay Aqalka Cad ee Mareykanka.

Dr Conley ayaa sheegay in rajadiisu ay wanaagsantahay balse uu jadwal u sameeyn doono qaabka madaxweynaha isbitaalka looga soo saarayo.

Hase yeeshee madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad Mark Meadows ayaa walaac ka muujiyay xaaladda madaxweynaha, waxa uuna sheegay ineysan weli jirin ifafaalo cad oo ku aaddan caafimaadkiisa.

Taageerayaasha ku sugan banaanka isbitaalka Walter Reed ayaa madaxweynaha u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Dhanka kale banaanbaxaal ka soo horjeeda kuwa Trump lagu taageerayo ayaa iyagana isugu soo baxay banaanka isbitaalka.

Sabtidii shalay ahaydna isu sooo baxyo kale oo lagu taageerayo Trump ayaa ka dhacay goobo kala duwan. California, waxaa buux-dhaafiyay gawaari ku xardhan qoraallo iyo sawirrada Trump

Magaalada Fort Lauderdale, ee gobolka Florida ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay doomo badan oo madaxweynaha lagu taageerayo.

Dad badan ayaa sidoo kale isugu soo baxay magaalada New York, waxaana dhammaan isu soo baxyadaasi la qaban-qaabiyay kaddib markii Trump laga helay xanuunka Covid-19.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here