XIGASHO LAACIB.NET
Liverpool ayaa wajahaysa walaac sii kordhaya oo ku saabsan daafacooda dhexe Ibrahima Konaté, kaasoo si xoogan loola xiriirinayo Real Madrid, sida uu qoray wargeyska Mirror.
Konaté, 26 jir, waxa qandaraaskiisa ka harsan wax ka yar hal sano, isla markaana muu muujin wax calaamado ah oo uu ku doonayo inuu heshiis cusub qalinka ku duugo. Arrintan ayaa Anfield ka abuurtay cabsi ah in uu raaco dariiqii uu qaaday Trent Alexander-Arnold, kaasoo xagaagan bilaash ugu biiray Madrid.
Inkasta oo warar hore sheegayeen in Madrid isku dayi karto saxiixiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, haddana hadda waxa la rumeysan yahay in kooxda reer Spain ay sugi doonto ilaa uu heshiiskiisu dhammaado 2026 si ay ugu hesho bilaash.
Qaab ciyaareedkii liitay ee uu Konaté ku bilowday xilli ciyaareedka ayaa sii huriyay mala-awaalka, iyadoo dad badan oo Liverpool ah ay aaminsan yihiin in wararka ku saabsan mustaqbalkiisa ay saameeyeen diiradiisa ciyaareed.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Liverpool ay bartilmaameedsatay daafaca Marc Guéhi (Crystal Palace) si uu xoojin degdeg ah ugu noqdo haddii Konaté uu tago.
XIGASHO LAACIB.NET
