HomeCiyaarahaTaageerayaasha Manchester United oo ku baaqay in si deg-deg ah loo ceyriyo...

Taageerayaasha Manchester United oo ku baaqay in si deg-deg ah loo ceyriyo labadan xiddig kadib guuldarradii City

XIGASHO LAACIB.NET

Taageerayaasha Manchester United ayaa si weyn u dalbanaya in laba ciyaaryahan isla markiiba laga saaro safka koowaad ee kooxda, kadib guuldarro xanuun badan oo 3–0 ah ay kala kulmeen Manchester City garoonka Etihad.

iyaarta oo ahayd mid kale oo niyad-jab ku ah kooxda Ruben Amorim, waxaa Manchester City hoggaanka u dhiibay Phil Foden qeybtii hore, ka hor inta uusan Erling Haaland labo gool shabaqa ku hubsan.

United ayaa ku guuldarreysatay inay wax hanjabaad ah keento weerarka, iyadoo qalad ka dhacay Luke Shaw ay u suurta gelisay Haaland inuu si sahal ah u ordo isagoo dhaliyay goolkiisa labaad, taas oo noqotay sawirka guud ee galabtooda niyad-jabka leh.

Waxaa jiray hal mar oo ay United sameysay weerar tayo leh qeybtii labaad, markii Bryan Mbeumo uu ku qasbay Gianluigi Donnarumma — oo City dhowaan ku soo biiray — inuu sameeyo badbaadin heer sare ah.

Amorim ayaa sameeyay isbeddello uu ku doonayay inuu ciyaarta dib ugu soo laabto, balse waxa ay ugu dambeyntii kooxdiisa u horseeday isku dheelli-tir la’aan. City ayaa fursado badan abuurtay 20 kii daqiiqo ee ugu dambeeyay, waxayna u muuqdeen inay ceeb weyn ku ridilahaayeen United, hase yeeshee Patrick Dorgu ayaa madax gool loo malaynayay difaacay dhamaadkii ciyaarta.

Guuldarradan kaddib, taageerayaasha United ayaa caro xooggan muujiyay, waxayna si gaar ah farta ugu fiiqeen labo ciyaaryahan oo ay ku tilmaameen inay ka mid ahaayeen sababaha fashilka Etihad.

Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa ku qoray baraha bulshada:

“Ugarte iyo Luke Shaw waa fadeexad.”

“Amorim waa inuu gartaa inuusan Ugarte mar dambe safka ku bilaabi karin.”

“Luke Shaw wuxuu ahaa mid aad u liita. Ma fahmeyno sida uu weli ugu soo bilaabanayo.”

“Shaw waxa uu u ciyaarayaa keliya sababtoo ah waa lug bidix. Sabab kale ma jirto.”

Manchester United ayaa hadda haysata afar dhibcood afartii kulan ee ugu dambeysay horyaalka, taasoo ka dhigaysa inay labo boos oo keliya ka sarreeyaan kaalintii 15aad ee ay ku dhammeeysteen xilli-ciyaareedkii hore.

Kooxda Ruben Amorim waxay Sabtida soo socota ku soo dhoweeynayaan Chelsea garoonka Old Trafford, ciyaar loo arko mid muhiim u ah mustaqbalka tababaraha iyo kooxdiisa.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -