Taageerayaasha xulka qaranka ee Morocco ayaa ku rajo weyn inay ka qeybgalaan ciyaarta nus dhammaadka koobka adduunka uu caawa xulkooda la dheeli doono Faransiiska.

Taageerayaasha waxay maanta wajahayeen arrimo la xiriira in la baajiyo tikidha diyaaradihii ay raaci lahaayeen halka qaarkood ay waayeen tikidhada.

Shirkada diyaaradaha ee qaranka- Royal Air Maroc ayaa maanta baajisay toddobo duulimaad, waxayna sheegeen in arrintaas ay ka dambeysay kadib go’aan kasoo baxay mas’uuliyiinta Qatar.

Taageerayaal badan oo aad u faraxsan oo gaaray dalka Qadar ayaa sheegaya in aysan jirn astaamo muujinaya inay helayaan kumanaan tikidho oo bilaash ah oo u ballan qaaday xiriirka kubadda cagta ee Morocco.

Xulka qaranka ee Morocco ayaa noqday dalkii ugu horreeyay oo Afrikaan ah sidoo kale Carabna ah oo u gudba wareegga ciyaarta nus dhammaadka ee Koobka Adduunka.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here