Wararka ka imaanaya Dalalka Yurub iy magaalooyinka dalalka Reer Galbeedka, ayaa sheegaya in la Wado qorsho Dowlada Waqtigeeda dhamaaday ay ku abaabaulayso banaanbaxyo lagu taageerayo muddo kororsiga labada sano ah ee uu sameystay Farmaajo.

Banaanbaxyadaan ayaa laga ababulayaa magaalooyin ay ka mid yihiin London oo UK ah, Minneapolis, Columbus iyo Washington oo Mareykanka ah, iyo magaalooyin kale oo ku yaalla qaar ka mid ah dalalka kale ee Yurub, sida Sweden, Norway, Belgium, Germany, Holand, Faranca, iyo kuwa kale.

Ku dhawaad lacag gaaraysa 3 milyan oo dolar ayaa lagu wadaa in ay ku baxdo banaanabaxyadaas, waxaana lagu wadaa in uu ka Qeyb galo Banaanbaxyadaas guddoomiye ku xigeenka gobolka ee dhanka amniga Cali yare Cali oo Wata Pasapor Sweden ah.

Sidoo kale Dibad-baxayaasha ayaa taageeri doono muddo kororsiga dowladda, ayada oo aan lasoo hadal qaadi doonin, balse taa beddelkeed boorarka lagu qori doono erayo lagu dalbanayo doorasho qof iyo cod ah, iyo in dimqoraadiyadda ay tahay in shacabka loo ogolaado inay codeeyaan.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here