Wrarka ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in uu aad u socdo abaabulka banaanbaxa lagu wado in uu ka dhaco Muqdisho maalinta bari ah.

Goobaha Madbacadaha ee lagu daabaco Sawiirada Musharixiinta ayaa buux dhaafay, 48 saac ee la soo dhaafay, kadib markii la soo gaaray maalinta Jimca ah ee Bari ah.

Ku dhawaad 3 Madbacad ama lagu daabaco Sawirada oo ah kuwa ugu waawayn ee ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa Mashquul Noqday.

Taagerayaasha Musharixiinta Xasan Cali kheyre, C/raxmaan C.shakuur, daahir Geele, Xasan shekh, shekh shariif, C/kariin Xuseen Guuleed, Mustaf dhuxulow,
Dr. Cabdinaasir Cabdulle Maxamed, sharif Xasan ayaa lagu arkayaa Wadooyinka Muqdisho ayaga oo ay wataan sawiradooda taagerayaasha bari lagu wado in ay iskugu imaadaan Taalada Daljirka Dahsoon.

 

 

 

Office Nairobi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here