HomeWarkiiTaaladii Sayid Maxamed Cabdulle Xassan oo laga burburiyay Magaalada Jig-jiga

Taaladii Sayid Maxamed Cabdulle Xassan oo laga burburiyay Magaalada Jig-jiga

Waxaa xalay gabi ahaanba la burburiyay Taalladii Sayid Maxamed Cabdulle Xassan oo ahaa halgamaa Soomaaliyeed kaasoo  taaladiisu mudaba uu surnaa bartamaha Magaalada Jig-jiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dhamaan waddooyinka soo galla ayaa xalay la xirey si amniga loo xaqiijiyo madaama shacaku raali ka ahayn in la burburiyo, saaka aroortii waxay ku soo tooseen reer Jigjiga sayidkii oo dhulka lala simay islamarkaana goobta oo dhan la nadiifiyay.

Hore ayuu Maamulka Mustaf Cag-jar u shaaciyay inay dumin doonaan taalada inkastoo ay xuseen inay goob kale u rarayaan hadana tuhun weyn ayay dadku qabaan oo ah inaan meel kale loo wadin islamarkaana Itoobiyaanka lagu raali-gelinaayo burburinta Taaladaasi.

Si kastaba waxaa shakiga sii badaniya in todobaadkan lagu wado in Jigjiga usoo booqan doono Abiye Ahmed oo ah Ra’iisulwasaaraha Itoobiya.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COMMay be an image of monument and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -