Soomaliya waxaa ka jiray Dowlada Raagtay ay Garwadeen ka ahayeen Ciidamada Qalabka sida taa 21 sano dalka hogaamineysay wax fiican iyo waxaan wanagaasaneena qabatay
Waxaa bilaawday Jabhado qaab Qabiil ku dhisan kuwaa oo dal Somaliya Cadow ku ah xaruma ka dhigtay ee Etoobiya
Jabhadahaasi ayaa waaxaa ugu horeeyey SDF oo Majerteen laheyd halka ay ku xigtay SNM oo Qabiilka Isaaq lahaa iyadoo labada Jabhad ay Dagaal la galeen Dowladii Milatariga ahayd ee uu hogaaminaayey Maxamed Siyaad Bare
Intaa markay jirtay ayaa waxaa fikir ka duwan qaatay Cali Wardhiilay iyo Abuukati Ismaaciil Jimcaale kuwaa oo u arkaayey in Qabiil Qaran lagu noqon karin iyagoona sameeyey jabhada USC oo xafiiskeedii ugu horeeyey ka furatatay Dalka Talyaaniga 1988 Somali dhan ku mideysnayeen
Labadaas masuul ayaa hadafkooda ahaa in Siyaad Bare lagu rido Kacdoon Shacab oo aan qabiil ahaan lagula diririn iyagoona durba Muqdisho ka sameeyey Odaal Soomali oo dhan ka kooban oo la baxay Maanafeesta.
Odayaasha Maanta Feesta oo ka koobnaa Ganacsata yaal ,Siyaasiyiin iyo Saraakiil hore
Odayaasha ayaa kulamo la qaatay Siyaad Bare kuna dhiiraday in ay dhahaan ka dag xukunka Bad baadi Dalka taana woow ka diiday
Ka dib waxaa bilaawday in la raadiyo Saraakiil Macquul ah oo waaya Arag ah taariikhda waa 1989 iyadoona inta badan Saraakiisha wax tarka leh Gudaha Dalka ku jireen Col Cabdulqahi Yuusufna uu u xirnaa Etoobiya
Waxaa markaa loo arkay Fursad ah Jen Ceydiid oo Safiir ka ahaa Hindiya looga yeero Rooma si uu dhanka Milatariga u hogaamiyo madaama jirin qof aqoontiisa Milayari qof leh
Jen Ceydiid waa ogolaaday soo jeedinta Odoyaasha USCda iyo Maanafeysto waxuuna go aansaday in uu iska casilo safiirnimadii Hindiya uuna hogaamiyo Ciidanka Jabhada USC
Halkaa markay mareysa Jen Ceydiid kooxa kale ayaa la soo hadlay kana dhaadhiciyeen in Etoobiya yimaado odayaashana fikirka Somalinimo ay wadaan uu yahay mid aan soconeynin sidaa ayuu Ceydiid ku yimid Etoobiya kuna dhawaaqay Garab kale oo USC ah halkaana waxaa ka dhashay qilaafka weyn ee USCda ilaa iyo 2023 ku hishiin la yihiin
Xaalkanuna waxuu noqday jaantaa furay iyadoo halkaa la kala taagan yahay ayaa waxaa dhintay 1989 aas aasahii USCda Cali Wardhiiglay waxaana booskiisa loo doortay Cali Shida oo isku beel ahayeen Jen Ceydiid
Iyadoo laga shaqeynaayo isku keenida labada garab ee USCda uuna Garwadeen ka yahay Abuukaate Iamaaciil Jimcaale isagoona howsha isku keenida ku jira uu dhintay halkaana ku joogsaday wada hadaladii Labada Garab ee USCda sidaana ku xoogeystqy qilaafka Labada Garab.
La soco qeybt Labaad soo galida Jabhada USC gudaha Dalka



