HomeWarkiiTaariikhda Shirkada Somalia Airlines

Taariikhda Shirkada Somalia Airlines

Somali Airlines waxaa la aas-aasay 5/March, 1964-tii. Duulimaadyadii ugu horeeyey ee ay dibadda ku tagto waxay bilowday July 1964-tii waxaa ayna ku tagtey – Rome – Talyaaniga, Frankfurt – Jarmalka iyo Nairobi – Kenya ka hor inta aan la joojin tegisteedii dalka Kiiniya 1966 sababo siyaasadeed awgood.
Halka duullimaadyadii ugu horeeyey gudaha dalka ay ku tagtey Hargeisa iyo Kismaayo, taasoo baahi wayn loo qabay isku xirka gobollada dalka. Shirkaddan oo ahayd mid uu lahaa qaranka Soomaaliyeed ayaa ujeedka loo aas aasey waxay ahayd si loo xoojiyo isku xirka gobollada dalka iyo xiriirka caalamka.
Kadib aas aaskeedii waxaa si wadajir ah u maamulayay dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda diyaaradaha Talyaaniga ee (Alitalia). Sababtoo ah, Alitalia waxaa ay ku kordhisey taageero farsamo oo muhiim ah.
Somali Airlines daafaha caalamka waxaa ay ku lahayd in ka badan 15 goobood waxaase ugu weynaa Mogadishu International Airport iyo Hargeisa International Airport oo ahayd xarunta labaad.
Somali Airlines waxaa ay duulimaadyo ku tagi jirtey wadamo badan sida Qaahira, Masar, Abu Dhabi – UAE, Jeddah – Saudi Arabia, Rome – Italy, Frankfurt – Germany, London – UK, Dar es Salaam – Tanzania iyo Nairobi – Kenya laga joojiyay 1966 sababo siyaasadeed. Somali Airlines, waxaa ay adeegsan jirtay diyaarado ay ka mid yihiin Boeing 707 & 720, Airbus A310, Fokker F27, Douglas DC-3 iyo Viscount 700.
Ujeedka ugu weyn ee hadda loo aas aasayo ayaa waxay tahay Kobcinta dhaqaalaha dalka, Yareynta kharashaadka safarka Madaxda dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, Dhisidda sumcadda Qaranka iyo in ay la tartanto shirkadaha kale ee caalamiga
Somali Airlines, Waa hanti Qaran oo u baahan dayactir xoogan sida helida diyaarado casri, duuliyeyaal khibrad sare leh, adeegayaasha gudaha diyaarada iyo kuwa dhulka. Sidoo kale, shirkadu waxay u baahan tahay cusbooneysiin shatigeedii caalamiga ahaa iyo suuq geyn.
XAQIIQADA JIRTA!!
Marka xaqiiqada laga hadlo, shirkadu waxay haystaa fursado badan sida magac, suuq iyo goobo badan oo ay ka hawl gasho. Waayo, waxa keliya oo ay u baahan tahay waa station-dii ay ka hawl geli jirtey oo la casriyeeyo.
Mid ka mid ah duuliyeyaashii Somali Airline oo aan isku xaafad deganahay oo iiga waramey shirkada, ayaa waxaa uu yiri “Somali Airlines waxay lahaan jirtey 7 station waaweyn sida Jarmalka, Talyaaniga,Tanzania, Dubai, Kiiniya, Jabuuti….! Hawl gelinta goobahaasina waxaa ay u baahaneysaa maal-gelin xoogle”
Isagoo duraya qaabka loogu dhawaaqey waxaa uu yiri “Somali Airlines soo laabashadeeda qofka keliya ee ku dhawaaqi karo waa Madaxweynaha balse qofka ka hadley in ay soo noqoneyso waa meel ka dhac. Waayo, Somali Airlines waa Astaan Qaran qofka keliya ka hadli karo waa Madaxweynaha, haddii uusan isagu ka hadlina Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaq u leh”
Annigu ma rabo inaan si toos ah u dhex galo isla markaana ka hor dhaco balse marka aan baaris kooban ku sameeyey, waxaan si weyn ugu farxay in seddax dal oo kaalimaha ugu horeeya kaga jira dhinaca duullimaayada in ay hareeraha ka taagan yihiin.
Waxaa kale oo jira, baaristii shidaalka dhowaan la sameeyey iyo qodistiisa, waxaa ay caawineysaa in ay sare u kacdo sumcadeeda.
WARIYE MAXAMED CUSMAN MURSAL
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -