Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qeybta 43-aad, ayaa tababar gaar ah uga furmay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Tababarkan oo lagu qabtay xarunta UNSOS ee magaalada Kismaayo ayaa diiradda lagu saarayo sidii loo xoojin lahaa aqoonta iyo xirfadda hoggaamineed ee saraakiisha amniga, gaar ahaan kuwa ka howl-gala Qeybta 43-aad iyo ciidanka AUSSOM.
Ujeeddada tababarku waa in lagu kordhiyo aqoonta iyo kartida hoggaamineed ee saraakiisha si ay u dardar geliyaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta, iyadoo saraakiisha ka faa’iideysanaysa tababarku ay door muuqda ka qaadan doonaan sugidda nabadda iyo xasilloonida guud ee deegaannada Jubbooyinka.
Tababarkan oo socon doona muddo toddobaad ah ayaa lagu baran doonaa xirfado iyo farsamooyin casri ah oo gacan ka geysan doona horumarinta howl-galka ciidanka.



