Waxaa Caawa Magaalada Muqdisho lagu qabtay xafladda Banaadir Football Awards,waxaana abaal-marin kala duwan la gudoonsiiyay ciyaartoydii iyo Macalimiintii ka qeybalay tartankii Degmooyinka oo dhawaan ay ku guuleysteen ciyaartoyda Degmada Howlwadaag.
Tababare Xamaan oo macalin u ahaa Ciyaartoyda Degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay macalinka ugu wanaagsan tartanka kubadda cagta Degmooyinka G.Banaadir 2025.

Sidoo kale Goolhaye Agii oo isna Howlwadaag ka tirsanaa ayaa ku guuleystay abaalmarinta shabaq ilaaliyaha ugu wanaagsan tartanka kubadda cagta Degmooyinka G.Banaadir 2025.

Sidoo kale Baaquli boy ayaa ku guuleystay abaalmarinta madaxa farsamada ugu wanaagsan tartanka kubadda cagta Degmooyinka G.Banaadir 2025.

Sidoo kale Macalin Gout Geeseey ayaa ku guuleystay abaalmarinta macalinkii ugu aqlaaqda wanaagsanaa ee ka soo qeybgalay tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir,wuxuuna watay Degmada Shibis oo ku hartay wareega 8- dhamaadka.
XIGASHO SAWIRADA: ASAL SPORTS
