XIGASHO LAACIB.NET
Saxafiga Ben Jacobs ayaa shaaca ka qaaday in tababaraha xulka Ingiriiska, Gareth Southgate, uu ka mid yahay magacyada loo arko beddelka suurtagalka ah ee Manchester United, haddii kooxda ay go’aansato inay xilka ka qaaddo Ruben Amorim.
Manchester United ayaa wajahaysa xaalad adag oo dhanka natiijooyinka iyo qaab ciyaareedka ah intii uu hoggaaminayay tababaraha reer Portugal, taasoo dhalisay shaki ku saabsan mustaqbalkiisa kooxda, halka maamulka ay ka baaraan-degayaan beddel suurtagal ah si dib loogu soo celiyo kooxda wadadii guusha.
Southgate ayaa ku raaxaysanaya kalsooni weyn oo gudaha kubadda cagta Ingiriiska kaddib khibraddiisa xulka qaranka, taasoo ka dhigaysa doorasho soo jiidasho leh haddii isbeddel lagu sameeyo macallimiinta kooxda “Red Devils”.
Sida ilaha lagu sheegay, Andoni Iraola iyo Oliver Glasner ayaa sidoo kale ka mid ah liiska musharrixiinta u sharaxan xilka tababarenimo ee Manchester United.
Waxaa xusid mudan in Amorim uu heshiis kula jiro kooxda ilaa xagaaga 2027, isagoo ilaa hadda hoggaamiyay kooxda 49 kulan, 19 ka mid ah ayuu guuleystay, 9 barbarro ayuu galay, halka 21 laga adkaaday.
XIGASHO LAACIB.NET
