Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna duqii Muqdisho xiligii Dowladii Farmaajo ayaa qoraal uu maanta soo saaray wuxuu ku weeraray Madaxweynaha Dowlada Somalia Xasan Sheeh Maxamuud oo ay isku heyb hoose yihiin.
Thabid wuxuu madaxweynaha uga digay dhowr talaabo sida inaan shacabka reer Muqdisho lagu kala qeybin doorashada hada dowladu qorsheyeneyso ee qof iyo codka ah oo sharci daro uu ku tilmaamay.
Qoraalka Thabid oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Madaxweyne Xasanow, min fadlak dadka Gobolka Banaadir haku kala qaybin doorashada sharci darrada ah oo aan lahayn garsoore caadila iyo calan-wade xeer-illaaliye ah, midna.
Madaxweynow labbo mar baad Madaxweyne noqotay, waxaase ugub ah in Guddi Doorasho Qaran oo lagu muransan yahay iskaba daayee xitaa Guddi sharci ah ee heer Doorasho Qaran uusan qaban karin doorasho Gole Deegaan.
Soomaaliya hadda warkeedaba daa, ee Madaxweynow reer Muqdisho oo ceeshow-milix ah ha sii kala qaybin, awal baaba doorashadan sharci darrada ah lagu faquuqay Degmada Kaxda, Daarusalaam, Garasbaaley iyo Gubadley oo canshuur bixiyayaal ah.
