HomeWarkiiTahriibayaal badan oo ku dhintay xeebaha Dalka Yemen

Tahriibayaal badan oo ku dhintay xeebaha Dalka Yemen

ABYAN (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo dalka Yemen ayaa sheegaya in dooni siday tahriibayaal 150 ruux lagu sheegay ay ku degtay xeebaha dalkaasi xili ay doonayeen inay dhanka xududua ka sii galaan dalka Sacuudiga.

Sida BBC-du sheegtay waxaa shilkaasi doon u dhintay 68 ruux kuwaasoo meydadkooda la helay ,sidoo kale waxaa nolol lagu bad-baadiyay 12 ka mid ahaa dadkaasi halka wali la la’yahay tahriibayaashii kale.

Hay’ada Qaxootiga ugu qaabilsan Qaramada Midoobe ee IOM ayaa sjheegtay dadka dhintay inay badankood u dhasheen dalka Itoobiya kuwaasoo inta badanu hayaama dhanka Dalka sucuudiga si ay shaqo uga helaan.

Gobolka Abyan ee koonfurta Yemen ayay doontu ku degtay,waxayna Hay’ada IOM shaacisay in bilihii la soo dhaafay tahriibayaal boqolaal gaaraya ay ku dhinteen badda Yemen.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -