Koox ka kooban 28 qof ayaa ka baxsaday diyaarad kaddib markii ay si deg deg ah u caga dhigatay garoonka El Prat ee magaalada Barcelona ee dalka Spain.

Sababta keentay inay diyaaraddu deg deg u caga dhigatay ayaa la sheegay inay ahayd kaddib markii haweeney uur leh oo la socotay duullimaadka oo ahaa Morocco-Turkey ay iska dhigtay inay fool qabatay.

Booliiska ayaa qabtay dadkan baxsaday oo ay ku jirto haweeneyda, waxaana loo maleynayaa inay doonayeen inay si sharci darro ah ku galaan Spain.

Arrin tan la mid ah ayaa sanadkii hore ka dhacday dalkaas.

Kooxda ayaa ka booday diyaaradda isla markii ay furmeen albaabbada.

Haweeneyda ayaa loo qaaday isbitaal iyadoo kaddibna la ogaaday inaysan heyn fool

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here