HomeWarkiiTahriibayaal dooni kula degtay xeebaha dalka liibiya 

Tahriibayaal dooni kula degtay xeebaha dalka liibiya 

TRIPOLI (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Dalka Liibiya ayaa sheegaya in laba doon oo tahriibayaal ka qaaday xeebaha dalkaasi ay ku degeen meel u dhaw isla halkii ay ka baxeen iyadoo warar laga helaayo sheegayaan inay dhamaantood badda ku daateen.

Wararku waxay tilmaamayaan in ilaa hada la xaqiijiyay geerida 6 ka mid ah dadkaasi halka 60 rux kalana lagu la’yahay nolol iyo geeri labadaba xili maalmo ay ka soo wareegatay markii shilkaasi dhacay.

Tahriibayaashaan oo aan wali la ogeyn inay Somali ku jiraan iyo inkale ayaa la sheegay inay u socdeen sidii a tahriib ku geli lahayeen dalalka yurub balse dhibaatadaani qabsatay.

War ka soo baxay Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan socdaalka ee IOM ayaa lagu shaaciyay in doomanka siday tahriibayaashan ay baxeen asbucii hore, ilaa iyo iminkana waxaa lagu howlan yahay raadinta 60-kaasi ruux ee nolosha iyo geerida labadaba lagu la’yahay.

Sidoo kale warbixinta Hay’ada socdaaalka ee IOM waxaa lagu sheegay sanadkaani 2025 oo ix bil iyo bar maalmood laga joogo la diiwaan geliyay inay badda ku dhinteen tahribayaal gaaraya 249 muhaajiriin ah, halka 226 kalena nolol iyo geeri midna aan lagu heyn.

Wararka qaar oo laga helaayo Soomaalida ku sugan Liibiya ayaa sheegaya in doomahaani degay aysan ku jirin dad Soomaali ah.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -