HomeWarkiiDab xooggan oo ka kacay Dooni ay la socdeen Tahriibayaal

Dab xooggan oo ka kacay Dooni ay la socdeen Tahriibayaal

Wararka laga helaayo Dalka Britain ayaa sheegaya in dooni ay la socdeen koox tahriibayaal ah uu dab ka kacay xili ay ka timaadeen dhanka Faransiiska islamarkaana doonayeen inay u talaaban dhanka dalka Britain.

Matoorka doonta ayaa dab qabsaday xili ay tahriibayaashu ka sii gudbayeen Kanaalka badda Dalka Britain waxana la soo warinayaa in  dhamaan dadkii saarnaa doonta oo ahaa 157 ruux ay wada badbaadeen, mana la soo sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah.

Tahriibayaashii marka la soo bad baadiyay ayaa loo gudbiyay goob caafimaad oo ku taal dhanka dekedda Boulogne-sur-Mer si caafimaadkooda loo ogaado.

Inta badan shilalka ka dhasha doomanka ay la socdaan tahriibayaasha ayaa waxaa ka dhasha dhimasho badan gaar ahaan marka ay quusto doontu ka hor inta aysan gaarin halkii hamigoodu ahaa.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -