Tahriibayaal tiradooda lagu sheegay 49 ruux oo dooni ka raacay xeebaha Liibiya ayaa la soo sheegayaa inay doonidii la degtay dhamaan dadkii ay siday waxaana geeriyooday 42 ruux oo ka mid ahaa tahriibayaasha sida ay shaacisay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ee Qaramada Midoobay (IOM) kuwaasoo xitaa raqdooda la la’yahay.
Dadkii doonta saarnaa waxaa ka bad baaday 7 ruux kuwaasoo mudo asbuuc ah badda ku dhex maqnaa ugu daneyna la helay ama la bad baadiyay iyagoo bad qaba.
Tahriibayaasha waxaa ku jira Soomaali aan badneyn balse dalka ay dagaalada ka socdasaan ee Sudan ayaa la soo sheegayaa inay u badnaayeen dadka dhibaatadaani qabsatay xili ay Yurub ku sii jeedeen oo ay doonayeen inay Tahriib dhanka badda ah ku galaan.
42-ka ruux ee la la’yahay islamarkaana dhimashada lagu xisaabiyay waxay ka soo kala jeedaan 29 Dalka Sudan u dhalatay 8 Soomaali ahaa,sidoo kale 3 Cameroon ah iyo 2 u dhalatay dalka Nigeria.
Sidoo kale 7-da la soo bad baadiyay waxay 4 ka soo jeedaan Sudan laba ka socotay Nigeria, iyo mid ka yimid Cameroon.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
