Meel ku dhaw Xuduuda ay wadaagaan dalalka France iyo Britain waxaa lagu qabtay tahriibaal u dhashay Dalka Eriteria kuwaasoo hab cajiib ah ugu soo dhuuntay gaari xamuul oo Faransiiska ka baxay kuna sii jeeday dalka Ingiriiska.
Tahribayaashaan oo tiradooda lagu sheegay 15 ruux oo uu ku jiro cunug ilmo ah ayaa ku soo dhuuntay baabuurta xamuulka gaar ahaana nuuca qaboojiyaha leh ee khudaarta qaada.
Dadkaan oo naftooda halin geliyay ayaa qaboojiyaha ku dhex-jirey si ay uga dhuuntaan booliiska balse intaan Faransiiskaba laga bixin ayay adkeysan waayeen,waxayna bilaabeen inay qeyliyaan sidaas ayaana looga soo saaray.
Darawalka gaariga ayaa sheegay inay u waceen qabowga daran awgiis si naftooda loogu bad-baadiyo xili gaarigu ku hakaday waqooyiga Faransiiska ka hor inta uusan xuduuda ka gudbin.
Wakaalada wararka AFP ayaa sheegtay in dad u dhashay Faransiiska oo caafimaadka wax ka yaqaan ay gargaar u fidiyeen tahriibayaasha kuwaasoo qabowgu dhibaato gaarsiiyay jirkooda.
Gaarigaasi Booliisku ma baarin sida uu cadeeyay darwalka waxaana kaliya uu ka war helay qeyladooda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
