HomeWarkiiTahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday badda u dhaxeysa Spain Iyo Algeria

Tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday badda u dhaxeysa Spain Iyo Algeria

Sida aan ka soo xiganay BBC lanteeda afka Somaliga faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa ku dhowaad 20 dhalinyaro oo muhaajiriin Soomaali ah oo ku geeriyooday badda u dhaxeysa Spain Iyo Algeria.

Dhalinyaradan oo gaaraya ilaa 17 ayaa la sheegay inay geeriyoodeen 17-kii bishan April.

“Waalidiin Soomaaliyeed oo ilmahooda raadinaya ayaa i soo wacay, kadib waxaan tegay labo isbitaal oo u dhow goobta uu shilka ka dhacay,isbitaalki ugu horreeyay hal qof oo dhalinyaro Soomaali ah ayaa talaagada ku jiray, isbitaalka labaadna waxaan kula kulmay 11 rag ah iyo shan gabdhood oo Soomaali ah, ayuu yiri Amb Yuusuf Jeego oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Algeria oo BBC-da u warramay.

Soomaalidu keliya ma aha ee dad kale oo iyagana ka soo jeeda wadamada Afrika ayaa sidoo kale saarnaa doonta.

Dhalinyaradan ayaa ku geeriyooday gobol la yiraahdo Abu Mardaas oo ka tirsan Algeria.

Lama oga halkii ay ka soo kicitantay doonta qalibantay ito halka lagu aasi doono dhalinyartaas.

Sawirada dhalinyarada geeriyooday waxaa laga heli karaa bogga wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayuu yiri wasiirka.

Wadada u dhaxaysa Waqooyiga Afrika iyo Spain waa mid ka mid ah dhowrka waddo ee ay isticmaalaan dadka soogalootiga ah ee doonaya inay gaaraan Yurub, kuwaas oo inta badan ku safra doomo aad u buux dhaafiyay oo aan u qalmin inay badda maraan.

Mas’uuliyiinta Aljeeriya weli ma aysan soo saarin faahfaahin buuxda oo ku saabsan musiibadii ugu dambeysay, oo ay ku jiraan tirada guud ee rakaabka saarnaa diyaaradda ama sida ay doontu u degtay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -