HomeWarkiiTahriibayaal Soomaali u abdnaa oo ku baaba'ay Badda u dhexeysa Talyaaniga iyo...

Tahriibayaal Soomaali u abdnaa oo ku baaba’ay Badda u dhexeysa Talyaaniga iyo Liibiya

Wararka laga helayo Xeebaha Jaziirada Lanbaduuza ee u dhaw Dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in Tahriibayaal Soomaali u badanaa  ay ku dhinteen kadib markii dooni ay saarnaayeen ay ku qalibantay bada Talyaaniga.

Inta la ogyahay 26 Tahriibe ayaa ku dhimatay shilkaani ka dhacay badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga.

Wararku waxay tilmaamayaan in laba doon oo ka baxay xeebta Liibiya oo ay kala saarnaayeen 110 tahriibe in midkood uu cilad soo wajahay oo ay biya soo deysay kadibna tii kale la isugu geeyay tahriibayaashii oo dhan.

“markaan soo baxnay inagoo kala saaran laba doon, habeen saqdhexe ayaa waxaa dilaacday mid ka mid ah doomaha markaasaa kuligeen hal doon isugu tagnay, 80 ruux waxay fadhiyeen doonta qeybteda hoose halka 30 kalana ay kor saarnaayeen doonta oo dabaq ahayd”ayuu yiri mid ka mid ah tahriibayaasha Soomaalida ee ka bad baaday shilka

Wiilkaan Soomaalida ayaa sheegay in 90 ka mida tahriibayaasha ay Soomaali ahaayeen islamarkaana 15 ka mida ay dumar ahaayeen.

Guud ahaan Dumarkii Soomaalida ee 15-ka ahaa waxaa ka nool 4 kaliya sida uu shegay tahriibaha Soomaaliga.

Wiilka Soomaaliga wuxuu ka sheekeeyay in afarta dumar ee Sooamalida ay ku jirto Hooyo wadatay cunug yar balse nasiib daro cunugii iyo aabihiis oo isna la socday waxay ku dhinteen shilka doonta gashay.

“Gabadha waxaa hada la dabiibayaa iyadoo ooyeysa oo wax shooksan canmal ah ” ayuu yiri Tahriibaha.

Sidoo kale arinta iyadana naxdinta leh ayaa ah 90kii Soomaalida waxaa ka nool 37 oo kaliya kuwaasoo 33 ka mida ay wiilal yihiin halka 4-ta kale dumar yihiin.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -