Xuduuda u dhexeysa Dalalka Belarus iyo Russia ayaa laga soo sheegayaa inay aad ugu dhibtoodeen Tahriibayaal Soomaaliyeed oo isugu jira rag,dumar iyo caruur.

Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ku dhaqan Dalka Belarus ayaa u sheegay idaacada Kulmiye in Soomaali badan maalimihii ugu danbeeyay  lagu jir dilay xududua u dhexeysa Russia iyo Belarus kuwaasoo Dumar iyo Caruur u badnaa.

Advertisement

Isbitaalo ku kala yaal Belarus iyo Ruushka ayay yaaliin sida uu sheegay gudoomiyaha iyadoo gabdhaha qaarkood qabow galay darteed lugaha looga jaray qaarna ay jir dil iyo xanuuno la jiifaan.

“maalin kasta waxaa ku soo wacaya dad Soomaaliyeed oo ku dhahaya na caawi, safaarada ruushka xitaa Somalia hada waxaa u jooga mid ku sime ah wax uu qabanaayana malaha markii dumentiyo dacwooyin la xiriira loo gudbiyo”ayuu yiri Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee Belarus

Sanadkii dhamaday waxaa si xowli ah ku socday qulqulka tahribayaasha Soomaaliyeed ee Ruushka ku tagaya hab wax barasho kadibna waxay dhulka ku galaan Dalka Belarus halkaasoo ay Boland kaga sii tahriibaan kadibna Germany oo targadkoodu yahay ama Finland waana safar dhibaato badan aadna u qaxar badan mararka qaar nafta lagu weyn karo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMaxkamada Ciidamada oo xukun ka soo saartay wiil la isku heystay
Next articleGanacsade Saaka lagu dilay Boosaaso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here