Maamulka Taiwan ayaa warbaahinta u sheegay inay diyaar u yihiin inay iska difaaci doonaan Dalka Shiinaha hadii u weerar ku soo qaado kadib dhoolatus milatari oo ay ka sameeyeen jasiiradda iskeed isu maamusha.
Madaxweynaha Taiwan Lai Ching-te ayaa wacad ku maray inay shiinaha iska dhicin doonaan haduu ku soo xadgudbo sida uu warka u dhigay,dhanka Shiina iyagu waxay sheeganayso in Taiwan ka tiran tahay Shiinaha.
Lai Ching-te hadal ka jeedinayay dabaal dega sanadka cusub ayaa carabka ku adkeeyay in bulshada caalamku ay daawanayso Taiwan oo is difaacaysa,sidoo kale wuxuu balab ku qaaday nuu xoojin doono difaaca qarankiisa sida uu warka u dhigay.
Shiinaha ayaa dhoola-tusklisa Milateri wuxuu ka sameeyay meel aad ugu dhaw Taiwan iyagoo adeegsanayay hub casri ah oo bad iyo cir isugu jira.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
