War ka soo baxay Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Atmis ayaa lagu sharaxay dilal dhawaan ka dhacay ilinka laga soo galo xerada xalane oo ah saldhigooda ugu weyn ee Muqdisho.
Muwaadin Soomaaliyeed oo xaradaas inuu galo rabay ayay murmeen maalin ka hor askari Atmis ka tiirsan kadibna tooreey ayuu ku dhuftay sidaas ayuuna ku geeriyooday kadibna isla markiiba ciidamada Atmis ayaa ninkii Soomaaliga ahaa isla goobta ku toogteen.
Taliska Atmis warkooda waxay ku sheegeen in ninka Soomaaliga ahaa uu rabay inuu xoog ku galo ilinka Xalane islamarkaana uu diiday in la baaro taasina ay keentay wixii dhacay.
Warka Atmis ka soo baxay waxaa sidoo kale lagu sheegay Soomaaligii ay dileen inuu ka hor yimid nidaamka amniga ay ku sugaan islamarkaana uu tooreey ku weeraray askarigii baaritaanka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM