HomeWarkiiTaliska AUSSOM oo sharaxaad ka bixiyay dagaalkii ay Alshabaab kula galeen Deegaanada...

Taliska AUSSOM oo sharaxaad ka bixiyay dagaalkii ay Alshabaab kula galeen Deegaanada Sabiid iyo Canoole

AFGOOYE (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Taliska ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM ayaa markooda ka hadlay dagaalkii dhawaan ka dhacay Deegaanada Sabiid iyo Canoole ee ku dhaw Degmada Afgooye kaasoo ay Alshabaab fooda isku dareen xili ay is garabsanayeen ciidamada Xooga Somalia.

Howlgalka AUSSOM wuxuu warbixintiisa ku sheegay in dagaalkaasi ay Alshabaab badan ku laayeen sidoo kalana ay hub badan kala wareegeen kooxdaasi inkastoo aysan soo bandhigin wax cadeyn ah sida hubka ay sheegeen inay la wareegeen.

“Ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa AUSSOM ayaa ka hor tagay weerarkii maleeshiyaadka alshabaab soo qaadeen,waxaana ku dilnay tiro kooxdaasi ka tirsan, sidoo kalana hub aan kala wareegnay”ayaa lagu yiri warka AUSSOM .

Dhanka kale Midowga Afrika waxay xuseen in guud ahaan saldhigyadoodii Alshabaab ay soo weerareen ay si buuxda iyaga wai ugu sugan yihiin oo aysan jirin wax horumar ah oo Alshabaab ay ka sameeyeen weerarkooda.

“waxaa socda howlgalo lagu baacsanayo kooxdii weerarka soo qaaday iyo cid kasta oo garab ku siisay, dadka deegaankana waxaan u balanqaadeynaa amni”ayaa mar kale lagu yiri warsaxafadeedka ka soo baxay Taliska AUSSOM.

XAFIISk WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -