Ciidamada booliiska Soomaaliya ee ka howlgala garoonka diyaaradaha Aadan Caade ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in gacanta ku dhigeen lacago badan oo dalka si sharci daro ah lagu soo galinayay.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Janaraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa sheegay in ciidanka booliiska ee ka howlgala garoonka Aadan Cadde qabteen lacag badan oo laga keenay Kenya si sharci daro ahna dalka lagu soo galinayay.

” Waxaan bogaadinayaa Ciidanka Saldhiga Booliska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde oo maanta Gacanta ku dhigay lacag tiro badan oo sharci darro ku soo gashay dalka, lana socotay diyaarad ka timi dalka Kenya. Baaritaan dheeri ah ayaa xilligan Ciidanku ku hayaan dhacdadan” ayuu yiri taliyaha.

Lacagtan dowlada sheegtay in lagu qabtay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaan la shaacin cadadeeda iyo waliba cida iska leh lacagtaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here