BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Taliye ku xigeenka qeybta Booliiska Gobolka Hiiraan Muuse Cabdi-Xayuuke ayaa maanta shir jaraa-id uu ku qabtay Taliska Booliiska Baladweyne wuxuu kaga hadlay wararka sheegaya in Maxaabiis ay ka baxsadeen Xabsiga  Baladweyne.

Taliye Muuse Cabdi-Xayuuke wuxuu si weyn u beeniyay in maxaabiis ay baxsadeen isagoo warkaasi ku tilmaamay kuwo aan  sal iyo raad toona lahayn..

Advertisement

“Wararka nuucaas ah waxay meel ka dhac ku tahay sharafta booliiska iyo wada shaqeynta bulshada uu la yahay Bolisku”ayuu yiri Taliye Muuse Xayuuke

Sarkaalkaan wuxuu carabka ku adkeeyay in dhamaan maxaabiistii ay hayeen ay xiran yihiin.

“Waxba kama jiraan waxa social media maanta La wareejinayay, waana wax la rabo in amniga qalqal lagu geliyo”ayuu mar kale  yiri taliye xigeenka

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleAabe C/casiis  muxuu ka yiri soo qabashada ninkii gubey gabadhiisa.
Next articleXasan Sheekh ” Itoobiya kaliya waxaan wada hadli karnaa markay ka tanaasusho damaceeda dhul boobka”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here