Muqdisho (dayniiile.com)-Xarunta Xalane oo ah tan  ugu weyn Taliska Ciidamada Midowga Afrika ee Muqdisho ku sugan waxaa kulan ku yeeshay Taliska Booliiska Atmis iyo wakiil ka socday Hay’adda UNDP.

Hillary Sao Kanu oo ah Haweeneyda Taliyaha u ah Ciidamada Booliiska ATMIS  ayaa Muqdisho ku qaabishay wakiilada UNDP oo ay hogaaminayeen Lionel Laurens iyo Ali Ibrahim.

Advertisement

Labada dhinac ayaa wada yeeshay shir wadatashi ah kaasoo ay kaga hadlayeen shaqooyinka Amni ee Taliska Atmis iyo doorka UPND.

Sidoo kale Waxay ka wadahadleen taageerada mustaqbalka fog ee Ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo xoojinta wadashaqeynta ka dhexeeysa UNDP & booliska ATMIS ee barnaamijyada tababbarada iyo kobcinta awoodda.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleQarax Saaka lagu weeraray guriga Xildhhibaan Soomaaliyeed
Next articleWasiir Jubaland ka tirsan oo ka hadlay roobab dhimasho sababay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here