Muqdisho 07 Feb 2024:  Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, wuxuu markale ogeysiinayaa dadka ku dhaqan Degmada Wadajir gaar ahaan dhulka Dabdamiska iyo Hoggaanka Dhismaha Boliiska ee ku yaala ka soo horjeedka daarta Seey Biyaano (6 piano) una dhaxeeya siliga American-ka iyo Isbitaalka Banaadir, in loogu daray 3 asbuuc ah oo ay ku guuraan.

25 Feb 2023, ayaa dadka dagan dhulkaas la siiyay ogeysiis 2 bilood ah oo ay ku guuraan kuna ekeyd 25 Jan 2024, shiqaaqo ka dhacday owgeed markale waxaa la siiyay mudo 3 asbuuc ah oo ku egeyd maanta oo ah Arbaco 07 Feb 2024.

Advertisement

Hadaba, codsi ka yimid guddiga dadka halkaas dagan inta weli ku harsan, markale ayaa la siiyay mudadii ugu danbeysa oo 3 asbuuc ah oo ka bilaabaneysa maanta 07 Feb 2024 ilaa 25 Feb 2024, wixii intaa ka danbeeya Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, wuxuu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaa cidii ka dhaga adeegtay fulinta ogeysiinta sare ku xusan.

Wa bilaahi towfiiq.

=XIGASHOVM WARBQAHINTA DOWLADA=

Previous articleDowlada Itoobiya oo qabtay fuustooyin shidaal ah oo dhanka Somaliya ka galay
Next articleAbwaan Nageeye oo wareysi ku qirtay inuu Alshabaab ku biiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here