HomeWarkiiTaliska Booliiska Somalia iyo sida uu u dhigay dhacdadii shalay ee Degmada...

Taliska Booliiska Somalia iyo sida uu u dhigay dhacdadii shalay ee Degmada Dayniile

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad ka mid ah Degmada Deyniile in ay kooxo dhalinyara ah oo abaabulan ay banaabax fowda ah ka sameeyeen, banaanbaxaas oo dhaliyay weerar Dukaan uu lahaa Muwaadin Soomaaliyeed waxaana la boobay hantidiisa waxaana isugu soo baxay Carruur iyo Haween isla markiiba waxaa gurmad u fidiyay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo gaarey goobta,

Ciidanka Boliska Intii ay ku guda jireen badbaadinta hantida waxaa ka dhashey rabshado abaabulan oo isku bedelay dhagax-tuur lagala horyimid Ciidanka Booliska ee Gurmadka ku yimid,

Waxaa Shaqaaqadaas ku Dhaawacmay ilaa 3 Qofood oo rayid ah waxaana la geeyey isbitaalada oo hada lagu dhabiibayo. Ma jirto wax dhimasho ah oo ka dhashay dhacadadaas

Haddaba Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu arrintaas ku wadaa baaris dheeraad ah, si looga hortago dadka faafinaya wararka been abuurka ah.

WABILLAAHI TOWFIIQ.

May be an image of map and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -