MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Askarta Booliiska Dowlada Somalia gaar ahaana kuwa caasimada Muqdisho ayaa maanta xirey oo albaabada isugu laabay goob haweenka ilmaha looga soo rido kuwaasoo uurka ku qaada sida sharci darada ah.
Xaruntaan oo ku taalay Degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa gaaray maanta ciidamo ka tirsan Booliiska kuwaasoo heystay xogta xarunta iyo waxa lagu qabtay,waxaana shir jaraa’id qabtay oo ka hadlay Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan.
Afhayeenka Booliska wuxuu sheegay inay soo xireen ninka maamulaha ka ahaa goobtaasi iyo waliba intii la shaqeyneysay dhamaantood.
“Haweenka uurka sharci darada ah qaada ee ilmaha looga soo rido xaruntaan waxaa laga qaadaa $400,haweenka kuwa khudba-sirada lagu qabo ee aan uurka rabin inay qaadaan iyagana waa ku jiraan kuwa ilmaha looga soo rido.si kastabna gabi ahaanba waan xirnay xaruntaasi kuwa shaqadaasi ku jirey sharciga la hor geyna”ayuu yiri Afhayeenka Booliska.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
