Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliya ayaa looga hadlay qaraxii ka dhacay Maqaaxida Blue Sky ee Magaalada Muqdiho kaasoo khasaare gaystay.
War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Booliiska ayaa u qornaa sidan:-
 “xalay 16/Oct/2023, abaare 21:00 PM fiidnimo, ayaa naftii-halige Khawaarijta ka tirsanaa isku qarxiyay dad ku shaah cabeyay banaanka hore ee Maqaayada Blue Sky oo ku taala Degmada Boondheere gaar ahaan agagaarka taalada Xaawo-taako ee Magaalada Muqdisho.”
“Khasaaraha qaraxu reebay ayaa ah dhaawaca 4 qofood iyo dhimashada Saxafi Cabdifitax Macalin Nuur (Qeys) agaasimihii Somali Cable Tv faraciisa Muqdisho, Ciidamada Amaanka ayaa gurmad u fidiyay dadka ay meesha wax ku gaareen. Waxaa socota baaris, wixii ku soo kordha dib ayaan ummadda ula wadaagi doonaa.”
Previous articleDowlada oo ka tacsiyeeysay Geerida Wariye C/fataax Qeys
Next articleWasiirka Gashandhiga Kenya oo reer Garisa uga digay inay soo dhaweeyaan Alshabaab-ka ka imaanay Jilib,Bua’ale iyo Sakow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here