Taliyaha Cusub ee Ciidamada Booliska Qeybta Gobolka Bari G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa sheegay inay diyaar u yihiin sugida amniga guud ahaan degaannada Gobolka kana hortagayaan wax kasta oo lidi ku ah amniga.

Waxaa uu sheegay in uu mas’uuliyad ka saaran yahay amniga Bulshada kunool Gobolka Bari, hayeeshee dhankooda looga baahan yahay inay Amniga kala Shaqeeyaan Ciidamada una soo gudbiyaan hadii ay arkaan wax lidi ku ah amniga.

Ugu dambeyn Taliyaha Cusub ee Ciidamada Booliska Qeybta Gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa ka dalbaday inay ku kalsoonaadaan Ciidamadooda si loogu guuleysto guud ahaan Amniga Gobolka Bari.

Warkaan la xiriira Amniga ee kasoo baxay Taliska qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan degaano kuyaal dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari ay ka dhaceen dagaalo u djaxeeyay Ciidamada Puntland iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here